Wednesday, 25 November 2015

Reer Gaalkacyoow‬ ‪Garaadku Hashaqeeyo‬ !.

Qormadaan kooban waxa ay ku saabsan tahay dagaalkii qasaaraha nafeed geestay ee ka dhacay Gobolka Mudug Caasimadiisa Gaalkacyo.

Dadk reer Mudug ee Magaalada Gaalkacyo wad dego waxa ay aaminsanyihiin ineey yihiin Maamulo Dowllad Gobolleedyo kala duwan,  Soomaaliweyn  iyo dadyoowga dunida waxeey u yaqanaan dad isla dhashay oo is dhalay, hal magaalo wada degan dhanna aan u kala maarmin.

Dhacdadii murugada igu beertay waxa ay aheyd dagaal dhex maray labo ciidan oo iska soo horjeedo kuna saabsanaay waddo laami ah oo aan 100 talaabo kabadneyn sida ay warbaahinta u sheegeen labada dhinac, Waxaase ayaandaro noqotay in saacado yar gudahood ay goobta ku nafwaayay 7 qof iyo dhaawac intaas kabadan.


Hadii aan Haga-Tusaaleeyo muhiimada qormadeyda waa muqaalka Sawirka idiin muuqdo oo ah waddo laami ah ay sameeyeen dad bini aadam ah oo lamida dadka dago Gaalkacyo oo aduunka gees uga nool. Waxa ay garteen qiimaha noolaha nafta bini aadamka iyo xayaawankaba inay muhiim tahay ayagoo wado dhan u qaloociyaysi ay ugu daneeyaan xayawaanka naflaha ah ee soo hargalaayo geedkaas goobta lama dagaanka ah ku yaal.

Waxaan is weydiiyay aaway Garaadkii, Garashadii, Gobanimadiina iyo Geesinimadiina lagu sheegi jiray reer Mudug ?!. Waxaan durbadiiba soo xasuustay maansadii Abwaan Weedhsame ee aheyd:-
Dhexdhexaadin xaal raba
Dhamac laguma sii shido
Dad is dhalay is dhinac yaal
Dhana looma kala dhaqaajiyo
Dhaawac daawo ka mudan
Dharaar xabad lalama sii dhaco.

Gunaanadkii iyo gaba gabadii waxaan leeyahay Madaxweynayaashoow maankiinu ha shaqeeyo, hadii dadku dhamaado yaad xukumi doontaan ? Siyaasi ( Af miishaaroow) iyo Aqoonyahan (ismoodoow) baaqeygu waa nabad, nolol iyo naf in la bad-baadsho oo haweenka, caruurta iyo ciroolaha aan laqixin !.

No comments:

Post a Comment