Wednesday, 25 November 2015

Reer Gaalkacyoow‬ ‪Garaadku Hashaqeeyo‬ !.

Qormadaan kooban waxa ay ku saabsan tahay dagaalkii qasaaraha nafeed geestay ee ka dhacay Gobolka Mudug Caasimadiisa Gaalkacyo.

Dadk reer Mudug ee Magaalada Gaalkacyo wad dego waxa ay aaminsanyihiin ineey yihiin Maamulo Dowllad Gobolleedyo kala duwan,  Soomaaliweyn  iyo dadyoowga dunida waxeey u yaqanaan dad isla dhashay oo is dhalay, hal magaalo wada degan dhanna aan u kala maarmin.

Dhacdadii murugada igu beertay waxa ay aheyd dagaal dhex maray labo ciidan oo iska soo horjeedo kuna saabsanaay waddo laami ah oo aan 100 talaabo kabadneyn sida ay warbaahinta u sheegeen labada dhinac, Waxaase ayaandaro noqotay in saacado yar gudahood ay goobta ku nafwaayay 7 qof iyo dhaawac intaas kabadan.


Hadii aan Haga-Tusaaleeyo muhiimada qormadeyda waa muqaalka Sawirka idiin muuqdo oo ah waddo laami ah ay sameeyeen dad bini aadam ah oo lamida dadka dago Gaalkacyo oo aduunka gees uga nool. Waxa ay garteen qiimaha noolaha nafta bini aadamka iyo xayaawankaba inay muhiim tahay ayagoo wado dhan u qaloociyaysi ay ugu daneeyaan xayawaanka naflaha ah ee soo hargalaayo geedkaas goobta lama dagaanka ah ku yaal.

Waxaan is weydiiyay aaway Garaadkii, Garashadii, Gobanimadiina iyo Geesinimadiina lagu sheegi jiray reer Mudug ?!. Waxaan durbadiiba soo xasuustay maansadii Abwaan Weedhsame ee aheyd:-
Dhexdhexaadin xaal raba
Dhamac laguma sii shido
Dad is dhalay is dhinac yaal
Dhana looma kala dhaqaajiyo
Dhaawac daawo ka mudan
Dharaar xabad lalama sii dhaco.

Gunaanadkii iyo gaba gabadii waxaan leeyahay Madaxweynayaashoow maankiinu ha shaqeeyo, hadii dadku dhamaado yaad xukumi doontaan ? Siyaasi ( Af miishaaroow) iyo Aqoonyahan (ismoodoow) baaqeygu waa nabad, nolol iyo naf in la bad-baadsho oo haweenka, caruurta iyo ciroolaha aan laqixin !.

Thursday, 15 October 2015

Dhibka Soomaalia waxaa masuul ka ah Aqoonyahan (Ismood) iyo Siyaasi (Af Miishaar).


Waxaan jecleestay inaan idiin soo bandhigo qormo gaban oo aan uga hadlaayo Dhibka Soomaaliya cida Masuulka ka ah.

Qormadaan ayaa waxaa ku soo kobay Aqoonyahanka maadiga bartay iyo Siyaasiga kor ka soo dhacay ee aan la doran, aniga oo og inaan qormo kaliya lagu soo koobi karin hadana waxaan jeclestay Inaan wax yar idinkaga iftiinsho aan u arko in labadooda ay yihiin indhaha bulshada.

Qofka guleesto waxa uu mar waliba Jecel yahay in dadka dhan ay wada gulestaan, Halka Qofka guldareesto uu jecelyahay in dadka dhan ay wada gul darestaan.

Muqaalka Sawirka ee hoos inkaga muqdo waa Dr Xabeeb oo kamida aqoon yahanada fara ku tiriska ah ee dalka aanan dibada uga bixin aqoontisa yartaana bulshada wax ugu taray ilaa hadana ugu shaqeeyo waxa uu ka howl galaa xarumo ku kala yaalo Casimada iyo Gobollada dalka oo lagu xanaaneeyo dadka dhimirka la' ee dibada iyo gudaha laga kala keeno, Waxaana u soo qatay tusaalaha aqoon yahanka dhabta ah.

Dadka Soomaaliyeed waxa dib u dhaca ku riday Aqoonyahan (Ismood) iyo Siyaasi (Af Miishaar).

Aqoonyahan (Ismood).

Aqoonyahan"Ismood" bartay maadiga qabiilkiisa iyo calooshiisa xor kama ahan. canshuurti dadka iyo dalka uu wax ku bartay una bartay uma abaal gudin, Dalkii waa hore uu katagay asagoo dalkii uu tagayna in uu ka shaqeesto u tagay.
Dalkiisi hooyo waligiis waxa u bartay uguma shaqeeyn hadana waxa uu ismooda aqoon yahan dhaafay aqoon yahan, Waliba aqoon yahanada dalka joogo oo kumannaanka kun soo saray ama xirfadooda ugu adeego ayago oo awooday inay dalka ka tagaan sidiisa oo kale uma arko aqoon yahan waloow ay jiraan kuwa aad u yar oo inta dalka ku soo laabtay wax badan bulshada u taray, hadana waxaa muunad beel ku riday kuwa muqaalkooda iyo maankooda uu kala duwan yahay oo bulshada majara habaabiyay.
Siyaadiga (Af miishaarka) ah marka uu dadka soo hor istaago waxa uu ku hadlaa hadalo Qurux badan, Lakiin markii ay timaaado go'aan qaadasho ama ficil sameeyn uu fashilmaa.
Waxaa dhaqan u ah in uusan ogeyn waxa uu shalay ku hadlay, Waxa uu iska dhigaa wadani, Markii uu dareemo in isla xisaabtan uu jiro waxa uu la so baxa kaar Qabiil oo Qabyaaladeesan, markii uu xilka waqtigiisa ka dhamaan rabo ama laga qaado jagada uu haayay uu qeyla dhaan bilaaba uma maleeyo in ay bulshada wax u qaban karto cid aana asaga aheyn.
Hadaan uguda galo u jeedadka qormada waa oraahda Dr Xabeeb ee ah "DALKU UMA BAAHNO KA HORTAG WAXU U BAHAN YAHAY KA DABA TAG " Dalka iyo Dadkaba uma baahno dumin iyo dib u dhac ama ka hortag, Dhaliil aan Dhamaan oo xalkeedu u yahay hadaan iska waayo waxa dhan waa waxba kama jiraan ee hala quusto.
Dalka iyo Dadkaba waxuu u bahan yahay ka daba tag, rajo wanaagsan, daliil wax toosiso, talo wax ku ool ah iyo Samir.

Gabo gabadii iyo gunaanadkii waxa aan dhihi lahaay Soomaaliyeey‬
Halaga gudbo in shaqsi qabiil lagu jeclaado ama lagu naco .
Haloo gudbo in fikir wax lagu Jeclaado laguna naco.

--------------------------------------------------------------
F.G. Waa fikirkayga waxaa laga yaaba inaad igu ra'yi tahay ama iga ra'yi duwan tahay igu tixgali , mar waliba waxaan diyaar u ahay inaan kaga kugu tixgaliyo fikirkaada iyo ra'yigaada mahadsanid.
------------------------------------------------------------
W/Q: Abdikadir Kassim Mohamed